Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen
- Autor: Vários
- Narrador: Vários
- Editora: Podcast
- Duração: 22:09:53
- Mais informações
Informações:
Sinopse
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episódios
-
Wararka maanta iyo Sweden
07/11/2024 Duração: 03minNin lagu rasaaseyey Kista. Nin ka tirsan kooxaha gaangiska oo si khaldan shaqo uga heley xafiiska arrimaha bulshada. Haweenka oo ragga uga badan waxbarashada jaamacadaha.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
06/11/2024 Duração: 02minRaii'sul wasaare Ulf Kristersson ayaa ugu hambalyeeyay guushii Donald Trump ka dib doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Mareykanka. Saddex qof ayaa dacwad lagu soo oogay, midaasi oo la xiriirta qarax qorsheysan oo ka dhan ah shirkadda qalabyada difaaca ee Elbit Systems ee ku taalla magaalada Göteborg. Dukaanka dharka iiibiya ee lagu magacaabo H&M ayaa shaqa joojin ku ogeeysiiyay 140 ka mid ah 330 shaqaalaha kaga hawl galayeey bakhaarka ay ku leeyiiin magaalada Eskilstuna.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
05/11/2024 Duração: 02minLaanta adeega bulshada ee degmeda Botkyrka ayaa xiran maanta oo talaada ah, ka dib markii dhowr qof oo shaqaale ah loo hanjabay. Aagga amniga ee booliiska Norrköping ay ku soo rogeen xagaagan xaafadda Hageby ee degmada Norrköping ayaa lahayd sameeyn amni abuurtay iyo ka hortag dembiyada. Qiimaha cunnada ayaa korodhay 0.2 boqolkiiba bishii oktoobar ee sannadka, sida lagu muujiyay tirokoobyada cusub ee shabakadda madax-bannaan ee Matpriskollen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
04/11/2024 Duração: 02minDhalinyaro badan oo qaangaar ah ayaa iska indha tira booqashada dhakhtarka ilkaha, sida ku cad tirooyin ka soo baxay heyadda hoggaanka bulshada. Cayaar socotay 13 saacadood, 37 daqiiqo iyo 6 sekan. Haweeney ku nool gobolka Skåne ayaa lagu xukumay kicinta qowmiyadeed iyo aflagaado daran oo ay u geysatay wiilkii ku soo caan baxay iibinta ubaxa bisha Maajo isla markaana uruuriyay in ka badan shan milyan oo karoon.
-
Wararka maanta iyo Sweden
01/11/2024 Duração: 02minDabeylo xooggan ayaa dhibaatooyin sababay. Goobaha caafimaadka ayaa la baari doonaa kadib qalliinada aan loo baahnayn ee ilmo-galeenka. Nin qirtay kufsi ka dhacay dugsi xannaanadeed oo ku yaal magaalada Flen.
-
Warka maanta iyo Sweden
31/10/2024 Duração: 02minHeyadda SMHI oo ka digtay dabaylo. Botkyrka oo soo rogtay imtixaanka luqaddaee shaqaalaha dugsiyada hoose dhexe. Mowjad cusub oo bartilmaameedsanaysa iney khiyaamaan bukaanka.
-
Wararka maanta ee Iswiidhen
30/10/2024 Duração: 02minEedeyn kulul oo loo jeediyay Botkyrka. Dhimashada cudurka wadne-xanuunka oo hoos u dhacday. Xaaladda degdegga ah ee cimilada ayaa horseeday in la sii daayo cilmi-baare.
-
Wararka maanta iyo Sweden
29/10/2024 Duração: 02minHaweeney lagu xukumay xabsi daain. Haween badan ayaa lagu heley dambiyada hubka. Booliska oo ka digaya hubka ciyaalka ee Halloween.
-
Wararka maanta iyo Iswiidhen
28/10/2024 Duração: 01minMarkab ku degay Göteborg. Dab baabi'iyey gawaaari badan. Nin lagu soo oogay qaraxyo ka dhacay Göteborg.
-
Wararka maanta iyo Iswiidhen
25/10/2024 Duração: 02minDhacdooyin hanjabaad ah ayaa sababay in maktabadda Malmö la xiro. Hawlgalka booliska ee ka dhanka ah goobaha massage. Nin dhallinyaro ah oo uu dhaawac halis ah ka soo gaaray toogasho ka dhacday Norrköping.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
24/10/2024 Duração: 02minShaqaale ka shaqaynayay dugsi xanaano oo ku yaala degmada Stenungsund ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay kufsi caruureed. Qof kale ayaa loo taxaabay xabsiga iyadoo looga shakisan yahay dilka fannaanka C Gambino, sida uu sheegay Göteborgs-Posten. Waxa caadi ah in gabdhaha iyo wiilashaba ay ka qaybqaataan dembi.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
23/10/2024 Duração: 02minTirada qoysaska helay kaalmada kirada guriga ayaa hoos u dhacday 21 boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay. Amiiradda Madeleine waxay si ku meel gaar ah sii qabanaysaa xilka boqorka Boqorka Carl XVI Gustaf laga bilaabo Jimcaha iyo toddoba maalmood oo xiga. Hogaamiye kooxeed 27 sano jir ah oo lagu soo oogay dacwad ka dhan ah ka ganacsi daroogada ayaa maxkamada Malmö ku xukuntay 12 sano oo xarig ah iyo in laga musaafuriyo dalka Iswiidhan waligiis.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
22/10/2024 Duração: 02minNin 40 jir ah ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray toogasho ka dhacday Huskvarna xalay. Wasiirka maaliyadda Elisabeth Svantesson (M) ayaa marka laga soo tago shaqadeeda wasiirnimo, sidoo kale noqon doonta guddoomiyaha guddiga horumarinta Bankiga Adduunka iyo IMF. Nin ku nool magaalada Malmö ayaa ku noolaa cayr, balse baraha bulshada waxa uu soo galiyay sawiro uu ka soo qaaday xaflado iyo safarro uu dibadda ugu baxay. Hadda waa inuu dib u bixiyaa 124.000 karoon.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
21/10/2024 Duração: 02minSweden waxay hoos ugu dhacday 14 boos afar sano gudahood ee tusmada sinnaanta caalamiga ah ee ururka Oxfam. Axaddii shalay ayuu dhacay imtixaankii dayrta ee jaamacadda. 62,000 qof ayaa iska diiwaan geliyey, waxeyna isugu jireen da'da u dhexeeysa 15 illaa iyo 85 sannadood. Ugu yaraan 14 jeer ayaa wiil curyaan ah oo ku fadhiya kursiga curyaanka laga diiday caawimaad uu ku raaco baska.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
18/10/2024 Duração: 02minSagaal qof oo ku nool magaalada Kalskrona oo ay ku jiraan dhowr carruur ah ayaa xanuunsaday ka dib markii ay cuneen doolshe habeen hore. Wiil 17 jir ah ayaa lagu soo oogay tuhun ah inuu nin 20 jir ah xagaagan uu toogasho ku dilay xaafadda Bagaregården oo dhacda duleedka magaalada Göteborg. Waqtiyada ey sugaan dadka u baahan qalabka maqalka ayaa qaata muddo dheer, waxayna taasi leedahay cawaaqib.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
17/10/2024 Duração: 02minAqlabiyadda baarlamaanka ayaa doonayo in la adkeeyo shuruucda iibinta ee loo adeegsado wicitaanada taleefannada. In ka badan afartan takhaatiir oo ka hawl gala gobolka Stockholm iyo gobolka Västra Götaland ayaa lacag lagu siiyay booqashooyin caafimaad oo ay laftoodu bukaan socod ka ahaayeen. Rabshadaha gaangiska ee koonfurta magaalada Stockholm ayaa sii kordhay dhawaanahan, sida uu sheegay boolisku.
-
Wararka maanta ee Raadiyah Sweden
16/10/2024 Duração: 02minHaweeney reer Västerås ah ayaa lagu xukumay xabsi, kadib markii ay lacag dhan 860 000 oo karoon ah ka xadday islaan 70-meeyo jir ah. Muddo sannad ah ayaa maanta ka soo wareegtay falkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Brusells ee toogashada lagu diley laba muwaadin oo Iswiidhish ah. Haweeney aan dooneyn in la ogaado qofka ay tahay ayaa 10 milyan oo karoon ugu deeqday xarunta dhexe ee cudurka macaanka ee jaamicadda Lund.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
15/10/2024 Duração: 02minBishii sebtembar, 7,600 oo qof ayaa la ogeysiiyay in shaqada laga ceyriyay, waa in 1000 ka badan isla muddadaas ee sannadkii hore. Go'aan ka soo baxay Xafiiska La Dagaalanka Faqooqa DO ayaa lagu sheegay inaan loo macneeyn karin faqooq in ardeyda aan caqiido ahaan u cuni karin hilibka khaansiirka aaney helin hilib kale''. Saddex maamule oo ka tirsan degmeda Botkyrka ayaa lagu wargeliyay in shaqada laga ceyriyay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
14/10/2024 Duração: 02minQof labaad ayaa loo qabtay weerarkii xabadeeynta ee lagu qaaday shirkaddii israa'iil ee tenikada hubka ee lagu magacaabo Elbit. Madaxa xukuumadda Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay inuu doonayo inay EU-du argagixiso ku shaabadeeyso ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan. Sagaalkii subaxnimo ee isniinta maanta ayay maxkamadda degmada Malmö ka furantay dacwad ka dhan ah Rasmus Paludan.
-
Wararka maanta iyo Sweden
11/10/2024 Duração: 02minIsbeddelka cimilada ee dhammaadka todobaadka iyo raadadka duufaanta Kirk. Qof ku dhaawacmay biriq ayaa weli ku jira isbitaalka. Ballanqaad taageero macallimiinta diida inay ardayda soo sheegaan.