Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editora: Podcast
  • Duração: 22:38:17
  • Mais informações

Informações:

Sinopse

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episódios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    26/07/2023 Duração: 03min

    Xukuumadda Iswiidhan ayaa maanta qabatay shir jiraa'id oo ay kaga hadleeyso waxa ay ku sheegtay xaaladihii ugu dambeeyey ee Oollaha ka dhanka ah wax yeeleynta danaha Iswidhan. Wakaaladda cuntada ooku boorinaysa dadka u dheganugul inay taxadar dheeri ah ka muujiyaan cunnadooda, maadaama uu socdo safmareen uu ka dambeeyo jeermiska Listeri-yada loo yaqaanno. Degmada Ljusdal-:Ururka haweenka caalamiga- Internationella kvinnoföreningen oo dumarka ajaaniibta gacan siiya.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    25/07/2023 Duração: 02min

    Guddiga masiibooyinka qaranka ayaa dhameeyey baaritaankii ay ku sameeyeen burburkii markabkii quusay ee Estonia. In ka badan 100 kun goobood oo sannadkan laga hirgelinayo qalabka cadceedda ka dhaliya korontada. Muddooyin kala duwan oo qofka laga xayiro leysanka wadidda gawaarida.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    24/07/2023 Duração: 02min

    Greta Thunberg, oo ah u halgame bii'ada ayaa lagu xukumey ganaax-maalmeed, markii lagu eedeeyey iney jebisay xeerka u hoggaansamida awoodda kaladambeeynta. Ururka iskaashiga islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo IKO ayaa xaruntiisa ka xirtay ergayga Sweden uga wakiilka ah ururka. Sucdi Jaamac oo uu ganacsigeedu saameeyen aan wanaagsaneyn ku yeeshay dagaalkii uu Ruushku ku qaaday dalka Yukreyn.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    21/07/2023 Duração: 03min

    Falcelinadda dhacdaddii Quraanka shalay oo uu ka hadlay khabiir ku xeel dheereeya diimaha. Dambiile la qabtay 20 sano ka dib markii uu geystay dambiga imminka loo hayo. Göteborg oo ay ka socota howlo caruurta ee xiliga kuleylaha.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    20/07/2023 Duração: 02min

    Xulka hablaha kubadda cagta Sweden oo ka qeyb gelaya koobka kubadda cagata adduunka ee dumarka oosaaka ka bilwoday Australia iyi New Zealand. Yeey la dilay oo la heyb aqoonsaday. Ciidanka xooga dalka Sweden oo iibsanaya seefo.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    19/07/2023 Duração: 02min

    Caruurta iyo dhallinyaradda iibiya sawiro qaawan ee galmo ee ay iska qaadaa oo kordhaya. Kaabsalo loo hindisay cudurka koleeraha. Soomaali ka qaeyb qaadaneysa koobka Gothia ee ka socda Göteborg

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    18/07/2023 Duração: 03min

    Toddobaadka kooxaha qoob ka ciyaarka oo ka socda degmadda Malung ee gobolka Dalarna. Ciyaaryahanka darajada kowaad ee kubadda Tennis oo la ganaaxay 18 bilood. Muse Abdulkadir Muse iyo dabaasha maxaa kala heysta.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    17/07/2023 Duração: 03min

    Tartanka Gothia cup oo maanta ka furmaya magaaladda Göteborg. Dadka qabatimay maandooriyaha oo khasabka lagu dabiibo la soo jeediyay in la xoojiyo. Cabirka fekerku ma ahan mid aan xuduud lahayn, ayuu yiri Hassan Deri

  • Waraka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    14/07/2023 Duração: 03min

    Viktor Karlsson waa 16 jir hibo leh oo lala socodsiiyay inuu dayrta jaamicadda Chalmers bilaabi doono. Magaca magaaladda Gävle ayaa ah midka sideedaad ee magac magaalo oo ku jira heeso lagu luuqeeyo Sweden-sida ka muuqata daraasad uu ururka STIM tobankii sano ee ugu dambeeyay middaasi oo telefishinka SVT si dhow u eegay. Waxaa jira isbedel ku yimaado dabeecadaha hurdada ee dadka qaar taasoo ay sabab u tahay xilliyada sannadka Sweden.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    13/07/2023 Duração: 03min

    Waalidiinta ku nool agagaarka xaafadda Bäckby ee magaalada Västrås oo ka qeyb qaadanaya siddii ay carruurtu u dareemi lahaayeen ammaan. 4 nin oo lagu ridey xukunno kala duwan kadib markey hub ku sameeyeen aaladda 3D-da ee koobiga ah kana iibiyeen kooxaha gaangiska. Halima Ali oo ka hartay dugsiga barashada afka iswiidhishka SFI iyo sababta ku kalliftay.

  • Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee radio Sweden

    12/07/2023 Duração: 02min

    Xubinimada Iswiidhen ee Gaashaanbuurto NATO oo haatan ku xiraninay ansixiyaan baarlamaanada labada dal ee Turkiga iyo Hangari, islamarkaana qaadato dhowr bilood. Qaar ka mid ah waalidiinta ku dhaqan xaafadaha Järva ee magaalada Stockholm oo sammeystay urur la magacbaxey Jooji toogashada- (Stop skujtning). Muxuu yahayse muhiimada urrurkaasi?. Gollaha xuquuqul Insaanka ee Qarammada Midoobay oo maanta u codeeyay qaraar lagu cambaareynayo gubitaanka kitaabka qur'aanka.

  • Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee radio Sweden

    11/07/2023 Duração: 04min

    Ka dib ogolaanshihii Turkigu ee codsiga Iswidhan ee Nato, ayaa qoraalol wadajir ah oo ku saabsan todoba qodobadalagu heshiiyey lagu daabacay bogga internet-ka ee Nato. Booliska Helsinborg ayaa ogolaaday codsi lagu doonayo in arbacada berrito ah lagu qabto bannaanbax bartamaha magaalada Helsingborg, halkaas oo lagu gubayo kutub diini ah. Barbaarinta ubadka iyo mareeynta korriimmadooda oo saameyn ku yeesha dhaqanka uu ilmahaasi yeelan doono & masiirka uu ku danbeeyn doono mustaqbalka.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    10/07/2023 Duração: 03min

    Toogashooyin dad lagu dilay oo dhacay dhammaadka toddobaadkii na dhaafay. Xirfadda la dhowray ee shaqada kalkaalisaha darajada hoose oo lahayn nushahar kordhin. Koriimmada dalkii Soomaaliya iyo tan halkan oo kala duwan. Barnaamijkaa oo dhammeystiran ka daalaco bogga idaacadda.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    07/07/2023 Duração: 03min

    Dadka qaar ee codsada gubista kutubta diimaha ayay ka tahay ku dayasho in la sheeg sheego, sida uu sheegay aqoonyahan ku xeel dheer cilmi nafsiga. Malmö oo marti gelineysa Eurovision 2024. Ardeyda dhigata dugsiga xagaaga inta fasaxa lagu jiro ayaan inta badan ku guuleeysan iney gaaraan natiijadii ey u baahnaayeen.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    06/07/2023 Duração: 02min

    Xukuumadda Iswiidhan oo iminka dib u eegeysa sharciga kala dambaynta ka dib dhacdadii gubida qur'aanka. Ciidanka ammaanka ayaa xidhay laba qof ka dib markii laga xaday kaniisada Torsåkeer dheri yar oo u ku jiro hadhaaga dambaska meyd la gubey. Xirfadda kalkaaliyaha hoose ee "Undersköterska" oo noqotay mid xafidan laga bilaabo 1 Luulyo.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    05/07/2023 Duração: 02min

    Baaris ey saraakiisha kastamka ku sameeyeen afar gadiidka waaweyn dekedda Trelleborg ee gobolka Skåne oo bishii feebraayo qabtay 40 malyan oo koron oo lagu qariyey. Shimbirkii ugu dada weynaa Iswiidhen oo meydkiisa la heley. Bella Kiin Mohamud oo oo ka hadleysa goaankii maxkamadda racfaanka ee eedeysanihii wiilkeeda dilay.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    04/07/2023 Duração: 02min

    Mohamud Adan oo ah reer Halmstad ayaa ka mid ah muslimiinta ka dhiidhiyay falkii gubista kitaabka Qur'aanka oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Stockholm. Laanta golaha Xuquuqul Insaanka ee hayadda Qarammada Midoobay ayaa qaban doonta shir aan caadi ahayn. Tallaabadaasi ayaa ka dambeeysay gubistii kitaabka qur'aanka, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Khilaaf salka ku haya kordhinta kirooyinka oo ka aloosan magaaladda Malmö.

  • Waraka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    03/07/2023 Duração: 02min

    Wiil 16 jir ah oo lagu tuhunsan yahay dil oo mudo 10 bilood kor u dhaafeysa ku jira rummaan. Qaybtii ugu horeeeysay ee sannadkii 2022 ayey 34 qof u geeriyoodeen toogashooyin. Halka sannadkan 2023 ay illaa iyo hataan u geeriyeedoon toogashooyin 21 qof. Dhakhtar Khalif Bile ayaa ku raacsan hay'adda adeega caafimaadka ee Iswiidhen welwel ay ka muujisay kororka isticmaalka daawooyinka antibiotikada oo sababi karta u adkeysiga bakteeriyaddu u yeelaneyso daawooyinkaasi.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    30/06/2023 Duração: 03min

    8 qof ayaa loo xukumay qalalaasahi ka dhacay xaafadaha Rosengård iyo Skånegården ee magaalada Malmö maalmihi ciidul fusxiga ee sannadkii hore. Hayadda qasnadda ceymiska qaran ayaa ruqseyn doonta shaqaale gaarsiisan 400 illaa 500 oo qof, sida uu qoray wargeeyska Aftonbladet. Luqman Bashir oo deggen Borlänge ayaa aad uga hela tijaabada sidii loo sameeyn lahaa afuufka kubbado waaweyn ee biyaha hawada.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    29/06/2023 Duração: 03min

    Gabdho badan oo ku dhaqan degmada Botkyrka oo dhacda koonfurta Stockholm ayaa la nool shuruudda iney yihiin bikro iyo cabsida in guur lagu khasbo. Nin ku dhaqan xaafadda Bredäng ee Stockholm ayaa dabka uga tagay digsi ay saliidi hase yeeshee iminka lagu xukumey magdhow gaarsiisan 300,000 oo karoon. Ifrah Ali Kirih, oo ah hooyo iyo barbaariye ku shaqeysa macallinimo ayaa mar ay la hadashay Raadiyaha Iswiiidhen sharaxaad ka bixisay in barbaarintu ay la mid tahay hoggaamin.

página 20 de 25