Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editora: Podcast
  • Duração: 22:38:17
  • Mais informações

Informações:

Sinopse

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episódios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    20/09/2023 Duração: 02min

    Waxaa beryahan dambe la isla dhexmarayey warar sheegaya in dhallaanka dhigta dugsiyada xanaannada lagu baro macluumaad ku saabsan galmada. Adeegga xarummaha gargaarka degdegga ah ayaa qaata waqti dheer, sida ku cad tirakoobka hayadda hoggaanka bulshada. Magaalada Kiruna oo saaka ku waaberisatay magaalo cad oo baraf buuxiyey.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/09/2023 Duração: 03min

    Siyaasigii Per Gahrton, kana mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga cagaaran/doogga ee Miljöpartiet oo ku geeriyooday da'da 80 jir. Swedenoo weli ey rabshadihii ka socdaan iyo rabshado xaley ka dhacey goobo kala duwan. Daraasad lagu eegeyo hooyooyinka soomaaliyeed ee uurka leh ee ilmuhu caloosha kaga geeriyoodaan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/09/2023 Duração: 03min

    Qiimaha karoonka Iswiidhan oo si aanu abid hoos ugu dhicin hoos ugu dhacay halka uu isniinta maanta gaadhay. Mgaalada Norrköping shaqaale ka hawlgala dugsi ku yaala magaalada ayaa laga shaqadalaga fariisiyay iyada oo lala xidhiidhinayo rabashado magaalada ka dhacay khamiistii. Hubanti la'aan cusub ayaa ka jirta ku biirida Nato ee Iswiidhan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/09/2023 Duração: 02min

    Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxa dalkani Iswiidhen ka dhacay is xabadayn sababtay dhimashada 6 qof oo ka kala dhacay goobo kala duwan. Magaalada Säter waxaa hadda ka bilaabmaya mashruuc ay dhallinyaradu fursad u helayaan in ay ka qaybqaataan hoowlaha wakhtiga firaaqada ah la qabto iyo tartamo kala duwan. Tagitaanka dhakhtarka ilkuhu ayanan bilaash u ahaan doonin kuwa da'dooda u dhaxeeyso 1923.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/09/2023 Duração: 02min

    Shan qof oo Iswiidhish ah ayaa lagu xiray dalka Turkiga, waa sida uu qoray wargeeyska Expressen. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa wargeyska u xaqiijisay. 20 sannadood oo ay ka soo wareegtay aftidii loo qaadey lacagta euroga oo maya loogu codeeyey. Nin mootanaa qiyaastii 10 000 oo sannadood oo shabihiisii dib loo soo dhisayo.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    13/09/2023 Duração: 03min

    Dhowr taksiileyaal oo ka daalay duruufaha shaqo ee liita ee ka jira shirkadaha app-ka sida Uber iyo Bolt ayaa sameeystay app cusub. Rabshadihii ugu dambeeyey ee dhacdooyinkii dalka ka dhacay ayaa ah kuwo baaxaddooda wax loo dhigaa aaney jirin. Khadiija Maxamuud oo ku shaqeeysata xirfadda cunnakarinta ayaa ku tala bixisay sida ey qoysaska saboolka ahi u dhimi karaan kharashka cunnada kaga baxa xilligan oo kale oo lagu jiro xaalad dhaqaale oo cakiran.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    12/09/2023 Duração: 02min

    Wiil 18-jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil, kaas oo sababay toogasho ka dhacday koonfurta Stockholm. Waxaa caawa la wada sugayaa ciyaarta masiiriga ah ee xulka qaranka ragga kubbada cagta Iswiidhen iyo kooxda Awsteriya. Beryahan dambe soomaalida ayaa ku yaraatay xarunta lagu magacaabo Welcome House'' waa rugta dhexe ee meeleeynta oo lagu gacanqabto ajaaniibta kolka ey dalka ku cusub yihiin.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/09/2023 Duração: 04min

    Xulka kubada cagta ee Sweden ayaa sabtidii ina dhaaftay 5:0 kaga guuleeystay dhigooda Istooniya Waxa kor u kacday tirada dhimashada dhulgariirkii h jimcihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Moroco Banaanbax balaadhan oo shalay dhacay ayaa lagaga soo horjeeday arrinka soo sheegida dadka aan lahayn sharciga degenaanshaha, waxa soo abaabuley qabsoomidiisa 50-tameeyo urur .

  • Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen

    08/09/2023 Duração: 03min

    Laba qof ayaa loo qabtay tuhun la xiriira dil alay ka dhacay magaalada Uppsala habeennimadii shalay. Waxaa la go'aamiyay inay halkeedii ka sii socoto suurtagalkii ahaa inay shaqaalaha ka howlgala goobaha daryeelka waayeelku sii qaadan karaan aqoonkorosi waxbarasho saacadaha shaqada oo ey mushaarna ku heleyaan. Khamiistii shalayto ayaa xaafada Rinkey loogu qabtay Baroordiiq la isku xasuusinayay taariikhdii fannaanka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    07/09/2023 Duração: 02min

    Haweeney 60 jir ah ayaa xalay lagu toogtay magaalada Uppsala. 275 kiilo oo ah nooca maandooriyaha amfetamin, qiimaha ay waddooyinka ka joogtaa ahayd malaayiin fara badanhase yeeshee lagu sancadeeyey meel indhaha caalamka ka qarsoon oo ku taalla xera-fardeed nawaaxiga Listerlandet gobolka Blekinge ee koonfurta Skåne. Degmada Göteborg ayaa si ku sime ah ayaa laga shaqaaleeysiisay goobaha ardeyda lagu hayo xilliga ey fasaxa yihiin, nin lagu xukumey doonis inuu ku biiro Daacish.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    06/09/2023 Duração: 03min

    Wixii ka dambeeyey falalkii gubista kutubta Qur'aanka ayey culimo badan oo caalami ah welwel ka muujiyeen kor u kicid dacaayadaha internetka lagu baahiyo ee lidka ku ah Iswiidhen. 17-jir ayaa loo qabtay rabshadihii axaddii ina dhaaftay ka dhacay xaafadda Rosengård ee magaalada Malmö. Ciidanka booliska Iswiidhen iyo Noorwey ayaa wadajir u dhisan doona xarun boliis oo ey ku wada shaqeeyaan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    05/09/2023 Duração: 03min

    Miraha iyo khudaarta ayaa yeesha midabbo badan oo xoogan. Ma ahan oo kaliya qurux, laakiin sidoo kale caafimaad ayaa laga helaa, sida lagu sheegay laanta idaacadda ee culuunta sayniska. Gacanyare ka howlgala wakaaladda canshuuraha ee Malmö ayay la soo gudboonaatay inuu si kama' ah ugu diray mail ey ku qoran yihiin xogaha shakhsiyaad gaarsiisan 7700, shakhsi khaldan. Boliisku waa inay saxaan khaladaad, kadib wixii ka dambeeyay geeridii sarkaalkii sare ee Mats Löfving.

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    04/09/2023 Duração: 03min

    Hoggaanka ururka samafalka Nobel ayaa dib uga laabtay go'aankiisii ahaa in xafladda billad-bixinta Nobel ee bisha diseember uu ku casumo safiirrada Iswiidhen u matala waddammada Ruushka, Iiraan iyo Beelaruus. Muwaadinkii iswiidhishka ee abriil 2022 lagu qabtay dalka Iiraan illaa haddana ku xabisan ayaa la shaqeeynayay EU, sida uu qoray wargeeyska mareeykanka ee New York Times. Bulshada reer Malmö ciddey doonaanba ha ahaadaane iswiidhish ama ajnabi, muslin ama aan ahayn, waa dad xeerka raaca.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    01/09/2023 Duração: 03min

    Inta lagu guda jiray xagaagii, tirada muwaadiniinta Ciraaq ee ku jira goobaha laysku hayo ka hor tarxiilka ee sugaya masaafurinta ayaa kordhay. Qarashka booliska kaga baxay falalka gubista kitaabka Qur'aanka ee guud ahaan dalka ayaa ilaa iyo imminka ah 2,5 milyan oo karoon. Shirkada tareenada ee SJ waa mid ka mid ah shirkadaha dawliga ah ee bixiya adeega tareenka isla markaana ka hawl gala soomaali badan qabtana shaqooyin kala duwan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    31/08/2023 Duração: 02min

    Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in xukuumaddu ay baarto haddii ay suurtagal tahay in la mamnuuco gubista kitaabka Qur'aanka. Saddex kiis oo jadeeca ah ayaa laga helay gobolka Stockholm toddobaadyadii ugu dambeeyay. Sideed ka mida tobankii arday ee waxbarashada fasalka sagaalaad ee iskuulka Fittjaskolan ee magaaladda Stockholm ayaa sannadkan iskuulka kaga baxay natiijaddii ugu wanaagsaneed ee sannad dugsiyeed ee iskuulka tan iyo 2021.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    30/08/2023 Duração: 02min

    Xaaladda dhaqaale adag ee jirta awgeed, waxaan dadka ku filneen lacagaha soo gala -waa sida ay dareentay Malin oo a ku nool Malmö. Booliska ayaa xaqiijiyay in labo qof meydkooda laga helay guri ku yaalla nawaaxiga Kiruna. Duulaan kaneeco ama dhilmaanyo ayaa ka jira magaaladda Stockholm, sida ay dareemeen dadka qaar.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    29/08/2023 Duração: 02min

    12 ka mid ah 21ka gobol ee Iswiidhen ayaa ka soo horjeeda soo jeedinta xisbiyada ka dhexeeya heshiiska Tidö ee ah in la soo bandhigo ogaysiis qasab ah oo loogu talagalay shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee dowladda. Nin ku jira da'da 30-meeyo ayaa maanta xilligii qadada loo soo xiray tuhun ah isku day dil oo ka dhacay magaaladda Borås. Sabina Zainab Hassan waa kalkaaliso caafimaad oo ku nool magaalada Uppsala isla markaana qortay buugga 'Molnhåret' oo macnahiisu yahay timihii daruurta ahaa.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    28/08/2023 Duração: 03min

    Nin Swedish-Ruush ah, kuna nool Sweden ayaa lagu soo oogay dacwad ah in howlo basaasnimo sharci daro culus uu u qabanayay dalka Ruushka. Dhererka baabuurta xamuulka ayaa maanta ah 25,25 meter, balse laga bilaabo dhammaadka bishan baabuurta xamuulka ayaa bedelkii dherekooda ugu badan waxuu noqon karaa 34,5 meter. Yusuf Hussein ayaa ka mid ah dhallinyaro sannadkan la guddoonsiiyay abaalmarinta Young Courage.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhan

    25/08/2023 Duração: 02min

    Iskuulada Sweden ma siiyaan ardayda fursado isku mid ah waxa sida lagu soo bandhigay qiimeynta cusub ee hayada waxbarashada ee Skolverket sameysay Dhallinyarrada caba cabitaanadda sida läsk iyo energi dricka ayaa si ba'an u saameeya ilkaha. Guddoomiyaha Järva Rashid Ahmed oo sheegay in maamulka nawaaxiga ku howlan yahay wax ka qabashada rabshadaha xaafahadaasi.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    24/08/2023 Duração: 03min

    Meydka will la weysanaa tan iyo bishii Luulyo oo jimcihii laga helay Upplands bro waqooyiga Stockholm. Wasiirka arrimaha dibedda Sweden oo ka hadlay wararka dhimashada hoggaamiyaha kooxda Ruushka ee Wagner. Mid ka mid ah shilalka ka dhaca wadada ay ku dhinteen 5 qof ee u dhaxeysa Skara iyo Falköping oo la sheegay in gawaarida xamuulka ku lug leeyihiin.

página 18 de 25